
Abdikidir Osoble waxoow hada diyaariya shahaada masterka ah, waxoona ku diyaariyaa Horumarinta Caalamiga ah. Abdikidir waxoow aad ugu xiranyahay bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba isagoo umaraya hawlihiisa samafalka ah. Ka sokow shaqadii oow u haayey hey’ada ECCV oo ahayd Sarkaalka Wacyi-Gelinta Bulshada. Abdikidir waa aasaasaha Gurmad Somali Relief, oo ah urur samafal oo u heellan xoojinta agoonta iyo dadka ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah. Abdikidir waxoow leeyahay hami aad u sareeyo, ahna hamigiisa ku aaddan horumarinta bulshada iyo u doodista isbeddel bulsheed. Tani waxay dhiirrigelisay inuu ku lug yeesho Speak My Language Barnaamijka ( dadka baahiyaha gaarka qabo), isagoo abuuraya cod -baahiyeyaal taageeri karo kana -mid –noqon karo bulshada Soomaaliyeed oow ku dhex noolyahay.
Interviews by Abdikadir Osoble